Miisaaniyada dowladda Puntland ee 2023 oo la meelmariyey

Image
Shirka Tobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey Karaash ayaa lagu ansixiyey.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Tobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Sida ay shaacisay Madaxtooyada, kulanka ayaa oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda 2023, Mashaariicda Bangiga Adduunka, Hay’adda baarista Hidda-sidaha, dardargelinta Doorashooyinka iyo warbixinta safar Wasaaradda Ganacsiga ku tagtay Gobolka Mudug.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Shirka Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey Miisaaniyada Dowladda ee Sanadka 2023 taasi oo dhan $376,699,825, iyada oo boqolayda kororku yahay 6% marka la bar-bar dhigo sanadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM