Miisaaniyadda PL ee sanadka 2015 oo maanta Barlamanku ansixiyey

Image

December 17, 2014 (GO)- Xildhibaannada Barlamanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey miisaaniyadda dowlada ee sanaka 2015.

51 xildhibaan oo kamid ah 55 fadhigii maanta soo xaadiray ayaa ogolaaday in la ansixiyo miisaaniyada oo ah $60, 182, 159 (lixdan milyan, boqol siddeetan iyo labo kun; boqol konton iyo sagaal). 

Sanadkan sii dhamaanaya ee 2014 miisaaniyaddii dowladu kusoo shaqeysey ayaa ahayd $29, 474, 476.83 (labaatan iyo sagaal milyan, afar boqol todobaatan iyo afar kun; afar boqol todobaatan iyo lix; dhibic sideetan iyo saddex).

Wasiirka maaliyada Shire Xaaji Faarax oo kororka ku yimid miisaaniyadda xildhibaanada Barlamanku todobaadkii hore wax ka weydiiyeen, wuxuu sheegay in kororka miisaaniyadda sabab u yihiin dakhliga dowladda iyo deeqaha caalamka laga filayo oo kordhay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM