Miisaaniyadda Puntland ee 2022-ka oo la meelmariyey

Image
Miisaaniyadda oo dhan $354,039,039 ayaa la sheegay in ay ka muuqato koror gaaraya 11%.

GAROWE, Puntland - Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2022 taasi oo dhan $354,039,039 waxaa ka muuqata Miisaaniyadda in dakhligu kordhay 11%.

Sidoo kale, golaha oo shirkoodii caadiga ahaa maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada Dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Kulanka oo shir guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Dhanka kale, Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii  goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho.

Doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale ayaa natiijadeeda waxaa duray qaar kamid ah ururadda siyaasadda oo ku baaqay daahfurnaan.

"Waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda  oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland," ayay madaxtooyaddu tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM