Miisaaniyadda Puntland ee 2022-ka oo la meelmariyey

Image
Miisaaniyadda oo dhan $354,039,039 ayaa la sheegay in ay ka muuqato koror gaaraya 11%.

GAROWE, Puntland - Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2022 taasi oo dhan $354,039,039 waxaa ka muuqata Miisaaniyadda in dakhligu kordhay 11%.

Sidoo kale, golaha oo shirkoodii caadiga ahaa maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada Dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Kulanka oo shir guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Dhanka kale, Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii  goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho.

Doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale ayaa natiijadeeda waxaa duray qaar kamid ah ururadda siyaasadda oo ku baaqay daahfurnaan.

"Waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda  oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland," ayay madaxtooyaddu tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM