​MSF oo dib uga howlgalaysa Somalia [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Hay'adda Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee loo yaqaan MSF, ayaa adeegyadii caafimaad dib uga bilaabaysa dalka Somalia gaar ahaan Puntland, kadib hishiis maanta magaalada Garowe ku dhexmaray iyaga iyo wasaaradda caafimaadka Puntland.

Dadaal ay bixisay wasaaraddaas ayaa keenay in mas'uuliyiin katirsan MSF, soo gaaraan Garowe iyagoo kulan la qaatay wasiirka Caafimaadka Puntland, mas'uuliyiin iyo xubno katirsan saraakiisha wasaaradda.

Kulanka hishiiska lagu kala saxiixanayay, ayaa wasiir Cabdinaasir Cismaan Cuuke, wuxuu ka sheegay inay dadaal dheer ku bixiyeen sidii adeegyadii Caafimaad ee MSF dib loogu soo celin lahaa gobolka Mudug, isagoo xusay inay gacanta ku hayn doonaan cusbitalka guud ee gobolkaas.

Cuuke, ayaa sheegay howgalkeeda Puntland ee hay'addaas tijaabo u yahay guud ahaan Somalia inay ka howlgasho, wuxuuna ku baaqay in si wanaagsan loola shaqeeyo oo laga faa'iidaysto adeegyada ay bixin doonto.

Wuxuu intaas ku daray in cusbitaalka ay ka howlgali doonto uu ku yaallo bartamaha Somalia kaasoo ay adeegiisa ka faa'iidaysan karaan dhammaan shacabka Somaliyeed.

Guatam Chatterjee oo ah ninka hay'addaas u qaabilsan Somalia, ayaa dhankiisa tilmaamay in gaarista hishiiskan uu soo maray marxalado kala duwan isagoo xusay inuu ku faraxsanyahay in mar kale MSF ka howlgasho Somalia.

Qorshaha MSF kaga howlgalayso Puntland, ayaa socon doona muddo saddex sano ah, waxaana arrinta timid kadib shirar kala duwan oo dowladda iyo mas'uuliyiinta hay'addaas ku yeesheen magaalada Nairobi waqtiyo kala duwan.

Labadii maalin ee ugu dambeeyay madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland iyo kuwa hay'adda MSF ayaa ku shirsanaan Garowe.

Hay'addan ayaa Somalia isaga baxday 14 Augusto, 2013 iyadoo gacanta ku haysay xarumo caafimaad, waxaana arrintaas keentay inay bannaanbaxyo ka dhacaan gudaha dalka taasoo dadweynuhu uga cabanayeen xaaladda soo wajahday inay  MSF sii joogto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM