Mucaaradka oo dalbaday in fursad la siiyo dadaalada Isimmada SSC-Khaatumo

Image
Dallada Mucaaradka ayaa ku baaqday in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeedii.

GAROWE, Soomaaliya - Dallada mucaaradka Puntland ayaa soo saartay bayaan ay kaga jawaabayso tallaabadii uu qaaday madaxweynaha xilka ka sii degaya Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo shalay magacaabay guddi heer wasiir ah oo dhexdhexaadinaya maamulka talada haya iyo mucaaradka.

Balse mucaaridka ayaa lahaa aragti taa ka duwan oo xal nabadeed loogu heli karo qalalaasaha siyaasadeed ee Puntland ka taagan, iyagoo ku soo jeediyay bayaanka in fursad la siiyo dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan Isimmada SSC-Khaatumo.

”Dalladdu waxay soo jeedinaysa in fursad la siiyo dadaalada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin isimmada SSC-Khaatumo, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Qurbo-joogta, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka.” ayaa lagu sheegay.

Xeeldheerayaasha u dhuun daloola siyaasadda Puntland ayaa ku tilmaamay jawaabta mucaaradku inay tahay diidmo ka dhan ah baaqii aan daacadda ahayn ee Dani, sida ay ku sifeeyeen Mucaaradku.

Mucaaradku waxa ay sidoo kale ku baaqeen in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto, iyaga oo ugu baaqay shacabka iyo dhinacyada ay khusayso inay u diyaar garoobaan.

Bayaanka oo dhinacyo badan taabtay ayaa u dhignaa sidan:

قد تكون صورة ‏نص‏

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM