​Mudug: 4 qof oo ku geeriyooday dab qabasaday gurigooday

Image

GALKACYO, Puntland- Wararka aan ka helayno deegaanka Bandiiradlay oo hoos timaada degmada Galkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya inuu dabqabsaday goor dambe xalay goys danyar ah oo ku jiray hoy ka samaysnaa cooshadan.

Khasaaro nafaadeed ayaa dabkaasi ka dhashay, waxaana la xaqiijiyay geerida 4 ruux oo isku qoys ah.

Lama oga sababta dhalisay dabkaasi, balse hooyada qoyska oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay inay ka shaki qabto walaalkeed oo u dhaartay.

Dadka geeriyooday oo u badnaa carruur, ayaa kala ahaa saddex wiil iyo Gabar, halka ay jiraan qof kale oo dhawac culus soo gaaray waxaana bad-baaday wiil, sida ay noo sheegeen maamulka gobolka Mudug.

‘’Xilli danbe oo dadka inta badan hurdeen ayeey aheyd markii uu dabka qabsaday reerkan, wax gurmad ah ma aysan helin, goobta waxaa ku dhintay saddex wiil iyo gabar oo qoyska ka tirsanaa, sidoo kale wiil iyo hooyadii reerkana dhaawac ayaa soo gaaray waxaana loo qaaday oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo,’’ Ayuu yiri Cabdirasaaq Axmed Jamac oo ah Guddoomiyaha tuulada Bandiiradlay.

Wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen iyo tuhun ku aadan falkaas oo dadka qaybtii sheegeen in si ula kac ah loo gubay qoyska.

''Baaritaan ayaa socda, laakiin hooyada reerka waxaa ay inoo sheegtay in ay shaki ka qabto wiil ay walaalo yihiin oo sida ay sheegtay u dhaartay, waa tuhun oo kaliya, laakiin baaritaan ayaa socda,'' Ayuu yiri guddoomiyaha.

Kiiskan, ayaa wuxuu noqday mid aad looga hadal hayo guud ahaan gobolka iyadoo dadka deegaanku ay aad uga naxeen falkaasi ku baaba'een dad carruur u badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM