Mudug: Dagaal kasocda deegaanka Balli-Busle

Image

GAALKACYO, Somalia- Dagaal culus oo u dhaxeeya Labo Malleeshiya Beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, ayaa markale dib uga billowday saaka deegaanka Bali-busle ee Gobolka Mudug.

Dhawaqa Rasaasta Hubka culus, ayaa haatan laga maqlayaa duleedka Deegaankaas, kaasoo ay is waydaarsanayaan Malleeyshiyaadka dirirtu u dhaxayso, waxaan halkaasi kusii qul qulaya gurmadyo hor leh oo soo garaaya labada dhinac.

Dagaal oo u dhaxeeya Beelo xoolo dhaqato ah ayaa waxa uu salka ku hayaa aanooyin qabiil, iyo Duunyo lagu kala dhacay Waqooyiga Bari gobolka Mudug, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka haatan soconaya uu ka dhashay khasaaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Tirada Dhimashada ayaa la xaqiijiyay inay marayso 4 qof, waloow aan la xaqiijin karin inay afartaasi qof kawada tirsanyihiin labada dhinac iyo in kale.

Dadka Deegaanka ayaa soo foodsaartay cabsi badan oo ay ka muujinayaan Colaadda ka taagan Balli-Busle, kadib markii ay fashilmeen waan-waan ay wadeen maalmahan Odayaasha labada beelood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM