​MUQDISHU: Farmajo, Xasan iyo Jawaari oo kulmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan qado ah oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa waxaa isku arkay Madaxweynaha cusb ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Afhayeen golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mas'uuliyiintaas ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka iyo fursadaha ay haysato xukuumadda cusub ee dhawaan lasoo dhisi doono.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas joogay saraakiil katirsan Madaxtooyada laamaha amniga iyo marti kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa GO, u sheegay in xubnahaan sidoo kale kawada hadleen xil-wareejinta dhici doonta 22 bishan.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen sidii ay uga wada-shaqayn lahaayeen hormarka dalka iyo sidii Somalia ugu tillaabsan lahay afarta sano ee soo socota guulo muhiim ah.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogayn wada-hadalkaas saddex geesoodka ah, ayaa wararku sheegayaan inay kawada hadleen qaabka xil-wareejintu u dhacayso.

Waa kulankii labadaad ee Madaxtooyada Somalia ku dhexmaraya Xasan Sheekh iyo Farmaajo, kadib doorashadii dhacday 08 February 2017.

Xaalad kala guur ah ayaa kasocota Muqdishu iyadoo Madaxweynihii hore iyo saraakiishii ka ag-dhawaa isu diyaarinayaan inay agabkooda ka rartaan Villa Somalia, inkastoo warar aan la xaqiijin karin sheegayaan in la qaato qaar kamid ah hantidii Qaranka ee goobtaas taallay, kuwaas oo ay kamidyihiin Baabuur aan xabaddu karin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM