​MUQDISHU: Farmajo, Xasan iyo Jawaari oo kulmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan qado ah oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa waxaa isku arkay Madaxweynaha cusb ee dhawaan la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Afhayeen golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mas'uuliyiintaas ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka iyo fursadaha ay haysato xukuumadda cusub ee dhawaan lasoo dhisi doono.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas joogay saraakiil katirsan Madaxtooyada laamaha amniga iyo marti kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa GO, u sheegay in xubnahaan sidoo kale kawada hadleen xil-wareejinta dhici doonta 22 bishan.

Waxay sidoo kale isla soo qaadeen sidii ay uga wada-shaqayn lahaayeen hormarka dalka iyo sidii Somalia ugu tillaabsan lahay afarta sano ee soo socota guulo muhiim ah.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogayn wada-hadalkaas saddex geesoodka ah, ayaa wararku sheegayaan inay kawada hadleen qaabka xil-wareejintu u dhacayso.

Waa kulankii labadaad ee Madaxtooyada Somalia ku dhexmaraya Xasan Sheekh iyo Farmaajo, kadib doorashadii dhacday 08 February 2017.

Xaalad kala guur ah ayaa kasocota Muqdishu iyadoo Madaxweynihii hore iyo saraakiishii ka ag-dhawaa isu diyaarinayaan inay agabkooda ka rartaan Villa Somalia, inkastoo warar aan la xaqiijin karin sheegayaan in la qaato qaar kamid ah hantidii Qaranka ee goobtaas taallay, kuwaas oo ay kamidyihiin Baabuur aan xabaddu karin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM