Muran ka dhextaagan maamulka gobolka Nugaal

Image

GAROWE Jan 29, 2015 [GO]- Gudoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cabdinaasir Xaaji Maxamed  oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta gobolka Nugaal ayaa shaaciyey in khilaafaad soo kala dhexgaley maamulka.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Bumbe ayaa xilka uga tagey ku-xigeenkiisa Labaad kadib markii uu safar dibada ugu ambabaxey taasoo Cabdinaasir Xaaji Maxamad ku tilmaamey talaabo aan sharciga wafaqsaneyn.

Cabdiqani Xaashi Buumbe '' Gudoomiyaha gobolka Nugaal'  oo ku sugan wadanka Sweden ayaa warsidaha Radio Garowe fursad u heley inuu wax ka waydiiyo jahawareerka ka tagaan cidda uu xilka uga tagey isagoo xusey in isagu awood u leeyahay in mas'uulka uu rabo ugaga tagi karo shaqada si KMG.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo xilkaan u magacaabey madaxweynaha dowlada Puntland ayaa waxaa shaqada la qabta gudoomiye ku-xigeen Kowaad iyo Labaad. 

Ku simaha gudoomiyaha gobolka Nugaal oo wax laga weydiiyey amni darada bilihii ugu dambeeyey ka soo korortey magaalo madaxda Puntland ee Garowe kadib markii dad ku labisan dharka Askarta dhac u gaysteen shacabka ayaa sheegey in dadweynaha soo gaarsiiyaan cabshadaan hay'adaha ku shaqo leh.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Gudoomiyaha Nugaal iyo ku-xigeenka 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM