Murashax Faarax Shire oo si wayn loogu soo dhaweeyey Garowe [ DAAWO]

Image
GAROWE- Murashax Faarax Cali Shire oo maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa si diiran waxaa ugu soo dhaweeyay halkaasi  qaybaha kal aduwan ee bulshadda.
 
Shire oo kamid ah murashaxiinta ugu cad-cad ee doorashadda madaxwaynaha Puntland ee sanadka 2019 oo warbaahinta ula hadlay si kooban ayaa ka mahad-celiyay sida diiran ee loo dhaweeyay.
 
Dhinacyadda kala duwan ee soo dhawayntiisa ka qayb-gashay iyo cid walba oo suuragelisay ayuu si gaar ah mahad-naq balaaran ugu jeediyay, isaga oo sheegay inuu abaalkooda gudi doono.
 
"Waxaan idin kaga mahad-celinayaa sida xushmada leh, sharafta leh, kal-galceylka leh oo aad iigu soo dhawayseen caasimada Puntland, aadbaad umahad-san tihiin, Soo dhawayntiina sharafta leh, abaalkiina waan gudi doonaa hadii Rabi idmo," ayuu yiri Shire.
 
Murashaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu kusoo baxo doorashada Madaxwaynaha Puntland, taasi oo sanadkaan ka xamaasad badan kuwii hore, xili ay ku baratamayaan murashaxiin dhowr ah.
 
Farax Cali Shire oo horey uga soo dagay magalada Boosaso, waxaana uu booqasho ku kusoo kala bixiyey magaalooyinka Baran, Dhahar iyo Qardho isagoo halkaas kula Kulmey qaybaha kala duwan ee bulshadda.
 
"Waxaad usoo baxdeen, intiina banaanka usoo baxday inaan guuleysano. Waxaan rajeynaa inaan guuleysano. Maxaan rajeyneynaa? [Shacabka] 'inaad Madaxwayne noqoto'. Waad ku mahad-san tihiin sida diiran oo aad iso dhaweyseen," ayuu raaciyey.
 
Doorashada Madaxwaynaha Puntland oo ay haatan ka harsan tahay muddo Sadex bilood ah ayaa la filayaa inay noqoto mid ay Xilldhibaanadu doortaan hogaamiyaha badali doona Cabdiweli Gaas oo maamulka uu madaxda ka ahaa noqdey midkii ugu musuqmaasuq badnaa tan iyo intii dhidibada loo taagey Puntland.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM