Murashax Farax Cali Shire oo Boosaaso lagu soo dhaweeyay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Murashaxa Madaxweynaha dowladda Puntland ee sannadka 2019 Farax Cali Shire ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xildhibaano, siyaasiyiin, Maamulka gobolka Bari iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Boosaaso ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta Shire oo kamid ah ragga u loollamaya sannadka dambe doorashada madaxtinimo ee maamulkan ka dhici doonta.

“Mudane Musharax kusoo dhawoow magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland, siyaasadda dowladda waxaa kamid ah in musharax kasta soo dhaweyno amnigiisana sugno, anaga Guddoomiyaha gobollada malihin cod, laakiin mas’uuliyadda na saaran waa inaan musharax kasta oo Faarax ugu horeeyo inta uu nala joogo amnigiisa sugno,” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo.

Murashax Farax Cali Shire ayaa khudbad u jeediyay boqolaal kamid ah shacabka gobolka oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha, wuxuuna sheegay inuu muddo la joogi doono, la kulmi doono warbixina kasiin doono safarkiisii iyo waxa uu ku maqnaa.

Shire ayaa sheegay in shacabka Bosaso ay maanta shaaciyeen Ololaha doorashada, balse isagu uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.

“Magaalada Ganacsiga u ah Boosaaso sharaf bay ii tahay inaan imaado si rasmi ah ayaan uga dhawaaqi doonaa musharaxnimada magaaladan, wali kuma dhawaaqinoo waad la socotaan intaan waddamo kala duwan marayay, laakiin magaaladan ayaa nasiib u yeelatay,” Farax Cali Shire ayaa yiri.

Murashax ayaa dhinaca kale ka hadlay colaad beeleed ka taagan Koonfurta Gobolka Sool, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dhiigga daadanaya islamarkaana qaybaha kala duwan ee bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo siyaasiyiintu ay ka qaybqaataan sidii loo dhammayn lahaa diriirta labada beelood.

“Waxa kale oo halkan baaqa uga dirayaa dadka ehelka ah ee ku dagaallamaya Koonfurta gobolka Sool ee walaalaha ah ee dhibaatada badan ka jirto, waxaana leeyahay culimada, odoyaashu arrintaas ha u gurmadeen hana la joojiyo dhiigga daadanaya ee macnadarrada ah,” Murashax Shire ayaa hadalkiisa ku daray.

Ugu dambayn murashaxa ayaa hambalyo u direy dhammaan ciidamada Puntland ee har iyo habeen u taagan sugidda amniga wuxuuna ugu baaqay inay shaqadooda sii labo jibaaraan.

Faarax Cali Shire ayaa muddo ka maqnaa gudaha Puntland wuxuuna ku sugnaan doonaa magaalada Boosaaso maalmaha soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM