Murashax Jabiye oo lagu soo dhaweeyay Garoowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
GAROWE, Puntland- Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxaa maanta soo gaaray oo si diirran loogu soo dhoweeyey Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo ah musharrax u taagan xilka madaxwaynaha Puntland sannadka 2019.
 
Boqollaal dadwayne ah ruuxayay Calamo iyo boorar ay ku xardhanyihiin Hal ku dhigyada Murashaxa ayaa musharraxa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe.
 
Intaas kaddib, waxaa musharraxa loo soo galbiyey dhanka Fagaaraha Barxadda, halkaasoo uu kula hadlay boqollaal kamid ah dadwaynaha ku dhaqan Garoowe. Musharraxa ayaa ka mahadceliyey sida diirran ee loo soo dhoweeyey, isagoo xusay in marnaba aanu hilmaami doonin taageerada ay reer Garoowe u muujiyeen.
 
"Waxaan doonayaa marka u horraysa inaan u mahadceliyo bulshada reer Puntland oo aad noogu soo dhoweeeyey magaalada Garoowe. Gaar ahaan dadka deggen magaaladan aad iyo aad baan ugaga mahad celinayaa" Injineer Jebiye ayaa yiri isagoo sii raaciyey "Midda labaad waxaan u mahad celinayaa si khaas ah ciidanka qalabka sida oo runtii aminiga si xad dhaaf ah u sugay aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa."Sidaas waxaa yiri Murashax Jabiye.
 
Ugu dambeyntii wuxuu musharraxu shir-jaraa'id ku qabtay hoyga uu ka deggen yahay Garoowe, isagoo si kooban uga warbixiyey qorsheyaashiisa siyaasadeed iyo ujeedada uu xilligan dalka dib ugu soo laabtay.
 
Musharrax Jebiye wuxuu sheegay in sababta uu dalka u yimid tahay sidii uu kulammo wadatashi ah ula qaadan lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana uu wax badan uga ogaan lahaan xaaladda dhabta ah ee dadka iyo dalku ku sugan yihiin.
 
Mar uu ka hadlayey arrimaha uu diirradda saari doono haddii xilka madaxwaynaha loo doorto, wuxuu sheega in a ugu muhiimsan yihiin: hirgelinta nidaamka doorashada dimuqraadiga ah ee 'hal qof,hal cod', tayeynta waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada loo sameynayo.
 
Si gaar ah wuxuu ugu nuuxnuuxsaday hirgelinta nidaamka doorashada dimuqraadiga ah ee 'hal qof,hal cod', isagoo sheegay in muwaadin kasta oo reer Puntland ahi uu xaq u leeyahay in uu doorto cidda madaxda u noqonasa iyo waliba in laga tala geliyo go'aan kasta oo masiiri ah oo noloshiisa saameyn ku leh.
 
Dhanka kale, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoo ku boorriyey in ay xal ka gaaraan khilaafaadka siyaasiga ah ee dhexdooda ka aloosan, maadaama danta dalka iyo dadkuba ku jirto midnimada iyo wadashaqaynta labada dhinac.
 
"Miiska wadahadalka inay tagaan ayaan ugu baaqayaa oo ay ka wada hadlaan wixii dhexdooda yaalla, umadda maslaxaddeeda ayaa ka wayn wax kasta oo laysku hayo."
 
Imaanshaha murashaxa ayaa kusoo beegmaya xilli muddo kooban ka harsantahay waqtiga doorashada Madaxweynaha oo la filayo inay qabsoonto sannadka 2019.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM