Murashax Jabiye oo xaflad loogu sameeyay Minneapolis

Image

Murashaxa Madaxweynaha Puntland ee 2019 Eng Maxamud Khaliif Jabiye ayaa khudbad dheer u jeediyay shacabka reer Puntland ee ku sugan magaalada Minneapolis, kadib markii halkaas loogu sameeyay xaflad soo dhaweyn ah.

Wuxuu la wadaagay Daraasad uu sheegay inuu ka sameeyay xaaladda Puntland taasoo uu tilmaamay inuu ku bixiyay juhdi iyo waqti dheer.

Jabiye ayaa tilmaamay in Puntland ay ka jirto xaalad adag gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, taasoo uu sheegay inay kaliftay in shacab badan hantidooda kala guuraan dalka.

“Waxaan waraystay dadka ku dhaqan Cummaan, waxay Ii sheegeen inay hadda ka hor ku noolaayeen Qoysas yar oo reer Puntland ah, magaalo kamid ah waxay ii sheegeen inay ku daganaayeen 37 qoys waa 10 sano ka hor, hadda waxay yiraahdeen waxaan ku daganahay 1000 qoys oo kasoo guuray Puntland, bal qiyaas hadii dadkaas oo dhaqaale haysta ay bishii kharash gareeyaan 2000 oo dollar markii lagu dhufto 1000 qoys waa labo milyan oo dollar oo ka maqan dhaqaalaha Puntland,” sidaas waxaa yiri Jabiye.

Murashaxa ayaa tilmaamay in daraasadiisa uu ku ogaaday in Puntland ay ka jirto Musuqmaasuq baahsan, Cadaalad darro iyo amni xumo waqti dheer soo taagnaa.

Isbadal dhab ah ayuu carrabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay si wax looga qabto dhinacyada dhibaatadu ka taagantahay.

Jabiye ayaa ballanqaaday sameeyay intii uu ku guda jiray khudbadiisa, wuxuuna sheegay hadii uu guulaysto inuu wax ka qaban doono, dhammaan daldaloolada jira, islamarkaana uu dhisi doono ciidamo tayo leh oo leh summad qaran laguna aamini karo amniga shacabka Puntland.

Gogol nabadeed ayuu xusay inuu dhex dhigi doono beelaha walaalaha ee ku nool gobollada Puntland.

Hadalka Murashaxa ayaa kusoo aadaya xilli doorashadii Puntland ay ka hartay waqti kooban islamarkaana ay jiraan murashaxiin badan oo tartan ugu jira qabashada hogaanka maamulkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM