Mursal oo ka qeybgalaya dabaaldega maalinta aas-aaska Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah lagu soo dhaweeyay Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale ayaa waxaa qaabilay gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland, Cabdixakiin Dhooba Daareed.

Dhooba Daareed oo wariyeyaasha la hadlay ayaa wuxuu sheegay in Mursal uu ka qeybgeli doono munaasabadda maalinta aas-aaska Puntland ee 1-da August.

Dhankiisa, Mursal oo farxad ka muujiyey tagitaanka Garowe ayaa shaaciyey in ay sharaf u tahay, isaga oo ay u tahay markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay.

Munaasabadda 1-da Augusta oo qaban-qaabadeeda ay meel sarre mareyso ayaa waxaa la qeybgeli doono marti sharaf kala duwan oo ay ajaaniib kamid tahay.

Amniga ayaa sarre loo qaadey, iyadda oo ciidamadda la geliyay heegan sarre si ay u xaqiijiyaan nabad-gelyadda magaalooyinka waaweyn inta lagu guda jiro dabaaldega.

Puntland oo u dabaaldegeysa sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay maalintii dhidhibadda loo taagey, 1998-dii, ayaa ah maamulka ugu da'da kuwa waddanka ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM