Musharax Faarax Cali shire oo Weerar Afka ah ku qaday Gaas [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Musharax Faarax Cali Shire oo u tartamaya xilka ugu sareeya Puntland, ayaa eedeymo kul-kul u jeediyay Madaxwaynaha waqtigiisu dhamaadey, Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Camey, khilaaf oo hadda is-khilaafsan.

Gaas iyo Camey, oo xafiiska joogay shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa khilaafkooda ahaa mid soo jiitamayay mudo billooyin ah, iyagoo isku qabtey arrimo badan, oo ay kamid yihiin go'aankii Puntland qeybta ka ahayd ee xiriirka ay maamullada ugu jareen dowladda Federaalka iyo magacaabidda Guddiga Ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Gollaha Wakiiladda.

Is-maadhaafka labada mas'uul ee ugu sareeya Puntland, ayaa la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay waxyaabiha Jil-baha dhulka u dhigay horumarka maamulkaan 20-sano jirsaday.

“Siyaasada way kasii xumaaneysa maalinba maalinta ka dambeysa..Itijaaha siyaasada ee maamulka ayaa ah mid xun…Is-qabqabsiga iyo Iska hor-imaad labadooda ah ayaa noqday wax caado ah oo sii jiitamayay…Wuu gaarey meeshii ugu sareysay labo isbuuc ka hor….Taasi waxay muujisay khilaafka labadooda ka dhaxeeyay mudadii ay xilka hayaan, taasi oo ragaadisay horumarka dalka, hadaanu hogaanka iyo siyaasadu midaysneen,” ayuu Faarax ka sheegay shir jaraa’id oo uu Garowe ku qabtay.

Dhinaca kale, Musharaxa oo soo hadal-qaaday Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Gollaha Wakiiladda, ee uu Madaxwaynuhu magacaabay ayuu sheegay inuu yahay mid aanan loo dhameyn, oo aanan laga talagelin cidii ay khuseysay.

“Guddigaasi la magacaabay ma aanu marin habraacii loo marijiray…lagama talagelin cid kasta oo hadal ku lahayd…Madaxwaynaha kaliya ayaa ku tagrifalay…Isaga ayaa sameystay, waxayna kamid tahay dhibaatooyinka wadanka ka jiray wax cusub ma ahan,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Shir oo si gaar ah udul-istaagay arrimaha amniga ayuu ku dhaliilay xukuumada Shantii sano ee lasoo dhaafay jirtay inay ku fashilantay nabad-gelyadda guud ahaan Puntland, iyadoo degaanada maamulka dhinac badan looga soo duulay.

Musharaxa ayaa ka digay in lun-sado Hantida dowladda, isaga oo ku tartarsiiyay cid kasta oo haysa Xoolo dad-wayne inay ilaaliso, islamarkaana wax laga waydiin doono marka ay dhalato dowlad cusub.

Ugu dambeyntii, Musharax madaxwayne, Faarax Cali Shire ayaa cod dheer wuxuu ugu baaqay ciidamada difaaca Puntland iyo shacabka inay ka shaqeeyaan adkaynta amaanka inta lagu guda jiro maalmaha kala guurka iyo doorashada.

Doorashadda Puntland oo ay ku tartamayaan musharixiin kala duwan oo culeys siyaasadeed ku haya Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] oo aanan wali cadeynin mowqifkiisa ayaa waxaa ka harsan 30 maalmood, iyadoo dhacaysa 8-da Janaayo 2019. 

HALKAN KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM