Musharax Juxa oo ka hadlay muranka guddiga xalinta Khilafaadka doorashada Puntland

Image

NAIROBI - Musharax Cabdi Farax Juxa oo kamid ah siyaasiyiinta raadinaya xilka Madaxweynha Puntland ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu kaga hadlay muranka guddiga xalinta khilafaadka.

Juxa ayaa qoralkiisa ku sheegay in kaalintii dumarka ee gudigaan laga tagey isagoo xusey in talbadaas tahay mid tixgalin la’aan ah. 

“Waxaan ka xumahay inaan gudiga xallinta khilaafaadka ee madaxweynuhu  magacaabay aan kaalin iyo tixgelin laga siin gabdhaha reer Puntland oo door mug weyn ku dhex leh bulshada.” ayuu bartiisa Facebook ku yiri Musharxu.

Musharax Juxa oo ka hadlay mowqifkiisa ku aadan guddiga xalinta khilaafaadka Madaxaweunaha xilku ka sii dhamaanayo magacaabey galinkii dambe maalintii shalay 3 Dec, 2018 ayaa sheegey in xubnahaan gartooda lagu qanci karo balse Gaas talo waafi ah ka galin xulushada xubnahaan.

“Waxaan  qabaa in Madaxweynuhu talo waafi ah arrintan ka gelin.Waxaanse qabaa in xubnaha gudiga cusubi kasoo bixi karaan masuuliyadda ballaaran ee ay qaadeen, gartoodana lagu qanci karo.” ayuu yiri musharax Juxa.

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ka digey khilaaf abuura is-bar-bar yaac.

“Ma qabo in is-barbar-yaac iyo muran horleh xillagan dan yahay.” Ayuu hadalkisa ku soo gabagabeeyey.

Puntland ayaa xulushada Xildhibaanada iyo doorashada Madaxweynaha waxay ka dhacdaa Shantii sano mar iyadoo la qabto islamrkaana dib u dhac uusan ku imaan qabashada cod-u- qaadista musharaxiinta xilka u tartamaya bisha Janaayo Sideedeeda taasoo ah qodob Dastuuri ah.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM