Musharaxiinta degmada Garowe oo laga sugayo barnaamijkooda

Image

August 14, 2015 (GO)- Xilli uu gaba gabo ku dhow yahay dhismaha golaha deegaanka cusub ee degmada Garowe, ayaa waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo shaac baxaya xubno u sharraxan xilka guddoomiyaha.

Ilaa iyo hadda lix murashax oo dhallinyaro u badan islamarkaana gabari ku jirto ayaa sheegay inay xilkaas u tartamayaan.

Waxaa xusid mudan, in badi murashaxiintu bulshada usoo bandhigin qorshahooda wax-qabad;  arrintaas oo badi daku walaac ka muujiyeen.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Garowe ayaa si weyn isha ugu haya dhismaha golaha deegaanka , iyagoo aad u daneynaya inay ogaadaan qorshaha murashax walba, maadaama Garowe tahay magaalo madaxda Puntland una baahan tahay qorshe maamul iyo mid horumarineed oo fog.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Karaash oo labo maalmood kahor xafiiskiisa shir-jaraa'id ku qabtay, wuxuu sheegay in lasoo dhameystiray dhammaan 27da xubnood ee golaha, haseyeeshee lagu howlan yahay kala xulistooda isagoo xusay in xubnaha buuxin waaya shuruudaha  dib loo celin doono.

Doorashada maamulka cusub ee Garowe ayaa kusoo aadeysa xilli Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, safar shaqo ku joogo magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM