Musharaxiinta degmada Garowe oo laga sugayo barnaamijkooda

Image

August 14, 2015 (GO)- Xilli uu gaba gabo ku dhow yahay dhismaha golaha deegaanka cusub ee degmada Garowe, ayaa waxaa maalinba maalinta ka dambeysa soo shaac baxaya xubno u sharraxan xilka guddoomiyaha.

Ilaa iyo hadda lix murashax oo dhallinyaro u badan islamarkaana gabari ku jirto ayaa sheegay inay xilkaas u tartamayaan.

Waxaa xusid mudan, in badi murashaxiintu bulshada usoo bandhigin qorshahooda wax-qabad;  arrintaas oo badi daku walaac ka muujiyeen.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Garowe ayaa si weyn isha ugu haya dhismaha golaha deegaanka , iyagoo aad u daneynaya inay ogaadaan qorshaha murashax walba, maadaama Garowe tahay magaalo madaxda Puntland una baahan tahay qorshe maamul iyo mid horumarineed oo fog.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Karaash oo labo maalmood kahor xafiiskiisa shir-jaraa'id ku qabtay, wuxuu sheegay in lasoo dhameystiray dhammaan 27da xubnood ee golaha, haseyeeshee lagu howlan yahay kala xulistooda isagoo xusay in xubnaha buuxin waaya shuruudaha  dib loo celin doono.

Doorashada maamulka cusub ee Garowe ayaa kusoo aadeysa xilli Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, safar shaqo ku joogo magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM