Musharaxiinta gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo loo codaynayo [Dhagayso]

Image

09 November, 2015(GO)-Waxaa hoolka Barlamanka Puntland ka socota codaynta musharaxiinta doonaya jagada Afhayeenka Barlamanka Puntland, waxaana xilkaasi u taagan saddex musharax oo kala ah; Axmed Cali Xaashi, Doobo-daareed iyo Xildhibaan Surcad.

64 Xildhibaan ayaa saaka soo xaadiray codaynta doorashada, waxaa ka qayb galay xubno matalaya bulshada rayidka ah, madax dhaqameed iyo culimaa'udiin

Codaynta ayaa u dhacaysa qaab qarsoodi ah sida ay sheegeen guddiga loo xilsaaray doorashada gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

Musharaxiinta ayaa hoolka ka soo jeediyay, taariikh nololeedkooda iyo asbaabaha ku kallifay, inay u booskan isu soo taagaan.

Wararka aan ka helayno hoolka Barlamanka ayaa la sheegayaa codaynta wareega koowaad waxaa ku horeeya xildhibaan Axmed Cali Xaashi oo horey u soo noqday gudoomiyaha Barlamanka, waloow aan la tirin codadkii la dhiibtay.

GaroweOnline ayaa idiin soo gudbin doonta hadba sida wax u socdaan iyo cidda ku guulaysata hogaaminta Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM