Musharixiinta madaxtinimada oo bilaabay hadaljeedinta xilli dhaqdhaqaayo siyaasadeed laga dareemayo Groowe

Image
Musharixiin badan ayaa soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed.

GAROWE, Soomaaliya - Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ayaa bilaabay hadal-jeedinta ay ku sharaxayaan barnaamijkooda siyaasadeed, isla markaana taageero ka raadinaya mudanayaasha golaha wakiilada.

Musharixiin badan ayaa soo bandhigay barnaamijyo siyaasadeed, waxayna ka hadleen isbedellada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Magaalada Garowe ayaa sidoo kale ka taagan dhaqdhaqaayo siyaasadeed ee ka socda magaalada Garoowe ayaa diiradda lagu saarayaa doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ee berri dhici doonta.

Musharaxiinta qaar ayaa galay heshiisyo ku aadan doorashada, halka kuwoo kale ay gabi ahaanba uga hareen tartan, xilli ammaanka magaalada Garoowe si weyn loo adkeeyay.

Docda kale, Guddiga Doorashada ayaa wali wada diyaar garow xooggan oo ku aadan qabanqaabada doorashada iyo sugidda amniga, iyadoo shacabka Puntland ay si weyn uga dhursugayaan natiijada doorashada oo saameyn ku yeellan doonta masiirka siyaasadeed ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM