Muumin Cabdi: Taliyaha Booliska Puntland oo su'aallo la waydiiyey

Image
Su'aalo waydiinta maanta ayaa imaanaysa xilli amaanka caasimada Garowe qaylo dhaan laga muujiyay.

GAROWE, Puntland - Guddiga Amniga ee Golaha Wakiilada ee baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa Sabtida maanta ah su'aalo waydiiyay Taliyaha Booliska dowlada Puntland, Muumin Cabdi Shire.

Dhinaca kale, Guddiga Shuruucda iyo Arrimaha Caddaaladda isla Golaha Wakiillada dowladda Puntland ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Caddaalada Puntland.

"Kulan ka qabsoomay aqalka Wakiillada ayuu Wasiirku faah-faahin ka siiyey Guddiga wixii u qabsoomay Wasaaradda, caqabadaha jira, mashaariicda socda iyo qorsheyaasha degsan. Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha uu ka hadlay Wasiirku," ayaa lagu yiri bayaanka.

Su'aallo waydiinta taliyaha ayaa imaanaysa xilli amaanka caasimada Garowe qaylo dhaan laga muujiyay isla markaana ay soo baxeen kooxo Cabtooy ah oo habeenkii wixii ka danbeeya 11:00 ka lagu tilmaamay "kuwa la wareega magaalada".

Qoraal uu guddiga soo saarey ayaa lagu yiri: "Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale".

"Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada DPL ayaa ahaa is xog wareysi, iyadoo Taliska Boolisku uu Guddiga la wadagaay horumarka laga gaaray sugida amaanka, caqabadaha jira iyo guud xaalada amni ee wakhtigan ka jirta dalka," ayaa la raaciyey.

Dhawaan ayay ahayd markii ganacsatada hilibka xoolaha ay sheegeen in ay afduubteen xilli habeenimo kooxahaas iyaga oo ku baaqay in wax laga qabto amniga magaalada caasimada ah ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM