Muxuu ka yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal amaanka caasimada Garowe?

Image

GAROWE Jan 10,2015 [GO]- Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaaji Cali (Bumbe) ayaa sheegay maanta wixii ka danbeeya inay tilaabo sharci ah  ka qaadi doonaan cidii lagu arko iyadoo faraha kula jirta dhulka sida sharci daradda ah loo calaamaysanayo ee Gobalka Nugaal.

Buumbe ayaa isagoo la hadlayey warbaahinta Radio Garowe waxaa uu sheegay in laga wada shaqeeyo bilicda magaalo madaxda Puntland iyo guud ahaan iyo Degmooyinka hoos yimaada.

Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa wayadii dambe waxaa aad ugu soo badanayey ciidamo ku labisan dharka caadiga ah Maliteriga oo qoryo iskala  dhexwareegaya kuwaasoo mararka qaarkood ku lug yeesha boobka dhulalka sida gaarka loo leeyahay iyo kuwa danta guud.

Gudoomiyaha oo wax laga waydiiyey sababta keentey ayaa beeniyey iney jiraan ciidamadaas kuwaasoo mararka qaarkood rasaas ka rida goobaha shacabka isugu yimaado.

Jimcihii lasoo dhaafey ayey aheyd markii Askari ka tirsan ciidamada ilaalada gaarka ah ee taliyaha qaybta gobolka Nugaal  uu diley Askari ka tirsan Booliska gobolka Nugaal oo sita qori AK47 xilli uusan qabin dareyska ciidamada. 

Askarigii gaystey fal-dambiyeedkaas ayaa gacanta waxa ku dhigey ciidamada Booliska isaga iminka ku xiran saldhiga dhexe ee magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM