Muxuu ka yiri Murashax Madaxweyne Asad Diyaano heshiiskii Itoobiya-Somaliland?

Image
Gen. Diyaano ayaa ka hadlay doorka dowladda Federaalka iyo doorka dowlad goboleedyada.

GAROWE, Soomaaliya - Murashaxa Madaxweyne Punrland Jeneraal Asad Dayaano ayaa maanta ka qeyb qaatay hadaljeedinta musharaxiinta u hanqal taagaya xilka madaxtinimada, isagoo si guud uga hadlay barnaamijkiisa doorashada, iyo heshiikii Itoobiya-Somaliland.

Jeneraalka ayaa carabka ku adkeeyay in madax banaanida iyo xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan, wuxuuna sheegay in uu taageersan yahay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aadan diidmada heshiis beenaadkii ay Somaliland la gashay Itoobiya.

“Waxaan ku garab-taaganahay dowladda Federaalka dhamaan arrimaha la xiriira xuduudaha bad, barri iyo hawada Soomaaliya,” ayuu yiri Jeneraalka.

Musharaxa Madaxweyne ayaa taabtay doorka dowladda Federaalka iyo doorka dowlad goboleedyada, isagoo carabka ku adkeeyay in labada dhinac ay leeyihiin mas’uuliyad iyo waajibaad.

Wuxuu intaas ku daray in wixii ay wadaagaan dowladda Federaalka iyo Puntland uu kala shaqeyn doono DF, si ay shacabka Puntland uga baaqan waxa ay leeyihiin sida uu hadalka u dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM