Muxuu ku yiri Madaxweyne Faroole khudbadii 1-aad ka dib tagistii Garowe?

Image
Madaxweynihii hore ayaa bogaadiyay doorkii ay Isimmada ka qaateen dhexdhexaadinta.

GAROWE, Soomaliya - Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole oo maanta gaaray magaalada Garowe, ayaa markii uu soo gaaray ka hadlay doorashada Puntland ee 2024-ka.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni go’aanka uu ku laalay doorashadii qof iyo cod ee lagu muransanaa, dibna loogu soo celiyo hanaankii hore.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale bogaadiyay doorkii ay Isimmada ka qaateen dhexdhexaadinta dhinacyadii uu khilaafku dhex maray iyodadaalka ay ku bixiyeen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka la xiriira hanaanka doorashada.

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuux saday in khilaafaadka jira ee doorashada lagu dhameeyo miiska wada xaajoodka, isagoo ku baaqay in Puntland aan la gelin xasilooni darro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM