Puntland iyo UN-ka oo kawada hadlay hiigsiga Soomaaliya ee 2020

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa hogaamiyey wafdi ka socda Beesha Caalamka oo maanta tegay Garowe, caasimadda dowladda Puntland.

Wafdiga ayaa ka kala socday; Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo ururka Qaramadda Midoobay.

James Swan iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatey madaxda Puntland, ururadda bulshadda iyo Odayaasha Dhaqanka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska UN-ka ayaa lagu shaaciyey in xubnaha Beesha Caalamka ay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha kale kala hadleen arrimo ay kamid tahay doorashooyinka.

War-saxaafadeedka oo uu arkay GO ayaa lagu xusay in shirka looga xaajoodey siyaasadda guud ee dalka, ammaanka iyo doorka Puntland ee hiigsiga Soomaaliya sanadka soo aadan.

"Waxaan u nimid Puntland baadigoobka aragtida mas'uuliyiinta Puntland, odayaasha dhaqanka iyo ururadda bulshadda," ayuu yiri Swan oo war-fidiyeenka la hadlay markii uu soo idlaaday shirka.

Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka dambe ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, wallow la sheegay in aysan dhici karin.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa safaro kala duwan ugu kala bixiyey xarumaha maamul goboleedyadda, iyaddoo Puntland ay noqoneyso lugtii u dambeysay, sidda Qaramadda Midoobey ay sheegtay.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM