Muxyadiin oo suurta-geliyay in Puntland laga xuso maalinta Booliska Somalia

Image
Image

GAROWE, Puntland - Taliyaha Puntland, Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse ayaa suurta-geliyay in maalinta ciidanka Booliska Soomaaliya lagu xuso Puntland, taasi oo goboladda iyo caasimada dalka si wayn looga dabaaldegay maanta.

Taliyayaal, saraakiil sare iyo cutubyo ka tirsan ciidanka ayaa ka qaybgalay xafladda oo ay kusoo bandhigeen ciidamada Geedi kacayaar iyo Fantasiyo oo ay wehliso socod dheer ay maalintooda ugu dabaaldegayaan.

Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20-kii December sanadkii 1943-dii ayaa hadba nolashooda waxay lamid ah dowladihii wadanka soo maray waagii nabadda iyo burburkii ka dambeeyay.

Puntland oo horumuud u ah dowladaha xubnaha ka Federaalka dalka ayaa markii ugu horeysay ciidamo Boolis ah waxay yeelatay 1-dii bishii Febraayo 1999-kii, hal sano kadib aas-aaskii dowlad goboleedkaan.

Xukuumadda uu haatan waqtigu ka dhamaanayo ee uu hogaamiyo Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa ku fashilantay inay siiso ciidamada mudadii ay jirtay mushaaraadkooda, oo danno gaar ah loo adeegsaday.

Tani ayaa dhalisay inay ciidamaddu sameeyaan gadood ay ku qabsadeen xarumaha muhiimka u ah dowladda sida Bankiyadda iyo garoomadda diyaaradaha, taasi oo ah wax ugub ku ah maamulka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM