​Nabadoon Muuse Xaaji oo dhaawac u geeriyooday

Image

BOSASO, Puntland- Mid kamid ah waxgaradkii ugu caansanaa gobolka Bari ayaa maanta u geeriyooday dhawaac kasoo gaaray rasaas ay la dhaceen koox hubaysan 25 January, 2017 xilli uu ku sugnaa Bosaso.

Nabadoon Muse Xaaji Farah, ayaa la dhigay cusbitalka ku yaal xarunta ganacsiga Puntland iyadoo wixii taariikhdaas ka dambeeyay xaaladiisa caafimaad ay la tacaalayeen ehelkiisa.

Aas qaran ayaa loogu sameeyay magaalada Bosaso isla maanta, waxaana kasoo qayb galay xubno katirsan xukuumadda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, duubabka dhaqanka, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxay tacsi u direen dhammaan ehelka iyo umadda Somaliyeed ee marxuumku ka tagay iyagoo tilmaamay inay aad uga xunyihiin weerarkaas lagu dilay Nabadoonka.

Majirto cid loo soo qabtay dilkaas iyo kuwo kale oo ka dhacay magaalada Bosaso, kuwaasoo lagu khaarajiyay mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland.

Habeenadii ugu dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa waday baaritaano kala duwan oo lagusoo qabqabtay dad lala xiriirinayo kiisaskaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM