Nabadoon xalay lagu dilay Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Kooxo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa xalay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ku dilay nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi Jiray, Maxamuud Jaamac Diirshe (Farey).

Lama oga cidda ka dambaysay arrintan iyo sababta loo dilay nabadoon Farey oo kamid ahaa shakhsiyaadka fir-fircoon ee gobolka Mudug.

Dilka ayaa ka dhacay xalay fiidkii Qaybta Waqooyi ee magaalada Galkacyo, halkaasoo todobaadkii hore lagu dilay sarkaal katirsanaa ilaalada Madaxweynaha Puntland.

Kooxihii weeraradaas gaystay ayaa dhammaantood baxsaday iyadoo aysan jirin cid loo soo qabtay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Mudug iyo guud ahaan xukuumadda.

Magaalada Galkacyo oo ay kataliyaan labo maamul ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal madax duubasho ah oo aan la aqoonsan cidda ka dambaysa.

Horay waxaa sidaan oo kale gudaha magaalada loogu dilay mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad kamid ahaa hal doorka bulshada.

Xaaladda magaalada ayaa sidoo kale ah mid dagan, waxaana xalay ka curtay roobkii gu’ga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM