Natiijadda doorashada qof iyo cod ee Puntland oo la shaaciyey

Image
Urur siyaasadeeda KAAH ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee saddex degmo doorasho.

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqay natiijadda coddeynta qof iyo cod ee dadka saddex degmo ay ku dooranayeen goleyaasha degaanka.

Ururka Kaah ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Golaha deegaanka degmada Eyl, waxaana uu helay 13 Kursi, waxaa ku soo xiga Mideeye oo helay 6 kursi, halka Cadaalad iyo Sinnaan uu helay 4 kursi. Waxaa min labo kursi helay Horseed iyo Runta iyo Cadaaladda.

Natiijada guud ee doorashada Golaha Deegaanka degmada Ufeyn; 1- Kaah 10 Kursi, 2- Mideeye 8 Kursi, 3- Cadaaladda iyo Sinnaan 7 Kursi, 4- Mustaqbal 1 Kursi iyo 5- Horseed 1 Kursi.

Natiijada guud ee doorashada Golaha Deegaanka degmada Ufeyn waa; 1- Kaah 10 Kursi, 2- Mideeye 8 Kursi, 3- Cadaaladda iyo Sinnaan 7 Kursi, 4- Mustaqbal 1 Kursi iyo 5- Horseed 1 Kursi.

Xildhibaan Muxsin ayaa ka mid noqday Xubnaha Golaha Deegaanka degmada Qardho ee shalay la doortay, wuxuu ka mid yahay 12 Kursi ee Golaha Deegaanka uu ku guuleystay Ururka Kaah.

Muxsin ayaa noqdey qofkii ugu horeeyay ee kamid ah barakacyaasha xarunta gobolka Karkaar ee kamid noqda dowladda hoose ee Qardho waxaana intii ololaha socdey uu sameeyay bandhig fiican.

Puntland ayaa tusaale waxay u noqotay maamulada kale ee Soomaaliya maadaama ay 53-sano kadib dalka oo dhan ka qabatay doorasho qof iyo cod oo awooda  wax doorashadda dib loogu celiyey dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM