​NECSOM oo tababar usoo xirtay Ingineero ka yimid magaalooyinka Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shirkadda tamarta Soomaaliyeed ee NECSOM ayaa maanta xarunteeda magaalada Garoowe tababar soconayey muddo afar todobaad ah ugu soo gabagabaysay injineero xooga korontada ah oo ka kala yimid qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya.

Injineeradaan oo tababarka kasoo aaday magaalooyinka Laacaanood, Galkacyo, Baydhabo, Muqdisho, Kismaayo iyo kuwa ka hawlgala xarunta NECSOM Garoowe ayaa waxaa casharada siinayey Injineero ka socda shirkad laga leeyahay wadanka Talyaaniga, iyadoona loo tababarayey sidii quwadaha dabiiciga ah tamarta korontada looga dhalin lahaa.

Maamule ku-xigeenka Shirkadda NECSOM Cabdirisaaq Sanyare oo ugu horayn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Injineeradu ay qaateen casharo wax ku’ool ah ayna sii wadi doonaan tababarada noocaan ah.

Gudoomiyaha shirkadda tamarta Korontada ee NECSOM Cabdifataax Maxamed Cabdi Kismaayo ayaa sheegay in ujeedka ay tababarka intaas baaxadda le’eg u qabteen ay ahayd sidii mustaqbalka laysugu xiri lahaa wakaaladaha ka shaqeeya korontada Soomaaliya, loona soo saari lahaa Injineero awooda inay hantaan mustaqbalka dalka.

Dhanka kalena, Kismaayo ayaa ku booriyey Injineeradii ka faa’iidaysanayey tababarkaani inaysan dayicin aqoontii lasiiyey ee dhaqaalaha badan lagu bixiyey ayna dib ugu celiyaan shirkadihii tamarta korontada ee ay ka socdeen.

Qaar kamid ah Injineeradii ka faa’iidaysanayey tababarka oo kahadlay madasha ayaa u mahadceliyey NECSOM, waxaana ay balanqaadeen in cilmigii ay barteen ay umadda Soomaaliyeed uga faa’iidayn doonaan.

Wasiir ku-xigeenka howlgala guud iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo soo xiray tababarka ayaa sheegay in aqoonta la baray Injineeradaani aan laga helin qaar kamid ah dalalka horumaray, loona baahan yahay in dadka iyo dalka looga faa’iideeyo, wuxuuna ammaan gaar ah ujeediyey shirkadda NECSOM.

Ugu dambayntiina ardayda ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey maamulka shirkadda NECSOM, 4 Injineer oo ajaaniib ah iyo injineeradii Soomaalida ahaa ee casharada siinayey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM