Danjire Nicholas Kay iyo wafdi u hogaaminayo oo Garowe yimid

Image

October 13, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo ergeyga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa galabta soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wafdigan oo ilaa shalay Garowe laga sugayey waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Danjire Nicholas Kay iyo wafdigiisa ayaa goob joog ka noqon doono saxiixa heshiiska hordhaca ah ee Dowlada Federaalka iyo Puntland gaareen kadib wadahadal labo maalmood socday oo is afgarad kusoo dhamaaday.

Gelinkii hore ee maanta waxaa Garowe yimid wafdi kale oo ka socdey IGAD uuna hogaaminayey ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Dhanka kale waxaa  caawa fiidkii dib ugu soo laabtay Garowe wafdigii ay horkacayeen Madaxeynaha Puntalnd Cabdiweli Gaas iyo Ra'iisul Wasaaraha Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed, wafdigaasoo booqasho kooban ku tegey degmada Qardho kadib markii uu casumaad halkaas ugu fidiyey Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Faah faahin dheeri ah iyo sawiradaba wararkeena dambe ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM