Danjire Nicholas Kay iyo wafdi u hogaaminayo oo Garowe yimid

Image

October 13, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo ergeyga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay ayaa galabta soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wafdigan oo ilaa shalay Garowe laga sugayey waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Danjire Nicholas Kay iyo wafdigiisa ayaa goob joog ka noqon doono saxiixa heshiiska hordhaca ah ee Dowlada Federaalka iyo Puntland gaareen kadib wadahadal labo maalmood socday oo is afgarad kusoo dhamaaday.

Gelinkii hore ee maanta waxaa Garowe yimid wafdi kale oo ka socdey IGAD uuna hogaaminayey ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Dhanka kale waxaa  caawa fiidkii dib ugu soo laabtay Garowe wafdigii ay horkacayeen Madaxeynaha Puntalnd Cabdiweli Gaas iyo Ra'iisul Wasaaraha Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed, wafdigaasoo booqasho kooban ku tegey degmada Qardho kadib markii uu casumaad halkaas ugu fidiyey Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Faah faahin dheeri ah iyo sawiradaba wararkeena dambe ayaan idiinku soo gudbin doonnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM