Nicholas Key oo la badaley, booqasho uu ku imanaayo Puntland

Image

18 Nov, 2015 (GO)- Ergeyga Qaramada midoobey u qaabislan wadanka Somaia Nicholas Key ayaa wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayaan in la badaley.

Nicholas Key oo xilkaan xoghayaha qaramada midoobey u magacaabey u magacabey xilkaan 29 April, 2013  ayaa xilkaan kala wareegey  Augustine Mahiga 3 June, 2013.

Lama oga qof lagu badaley wakiilka qaramada midoobey ee Somalia balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ka imaan doono dhalasho ahaan dalka Ingriiska.

Wakiilka qarmada midoobey ayaa la filayaa inuu booqashooyin ku kala baxsho qaybaha kala duwan ee Somalia isagoo maanta soo gaaraya maamulka Puntland halkaas kula kulmi doona madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa ergeyga qaramada midoobey ugu sameyn doona caawa casho sharaf halkaas oo la filayo iney kasoo qayb galaan xubno ka tirsan xukumadiisa.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM