Nin ajnabi ah oo ku geeriyoodey roobabka ka da'aya Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku naf-waayey laba kelana way ku dhaawacmeen markii kadib roobab mahiigaan ah oo 48-saac ee lasoo dhaafay ka da'ayey goboladda Puntland.

Ruuxa dhintay oo ahaa badmaaxiye u dhashay Yemen lana socday Doon kalluumeysi oo ku rogmatay badda gudaheeda ayaa tobban kale oo wehlisay ay dabaal ku yimaadeen meel xeebta degmadda Caluula.

Muuse Saalax Guuleed, gudoomiyaha gobolka Gardafuu, oo xaqiijiyey geeridda ninka Yemen u dhashay ayaa sheegay in kuwa kale badqabaan.

"Roob mahiigaan oo aan joog-saneyn oo 20-kii daqiiqo mar da'aya weye," ayuu Guuleed u sheegay laanta Af-Soomaaliga ee idaacada VOA-da.

Doon kale oo ay saarnaayeen sagaal ruux ayna Soomaali leedahay isla markaana kalluun u sidday Yemen ayaa qalibantay. Gudoomiye Guuleed wuxuu sheegay in laba ruux ay ku dhaawacmeen shilkaas.

Mid kamid ah bukaanadda ayaa dhaawaciisu culus yahay, maadaama xubno kamid ah jirkiisa ay jabniin soo gaareen.

Gobolka Bari ayaa kamid ah meelaha ay sidda weyn uga da'een roobabka, hase yeeshee, lama soo warin wax khasaaro nafeed.

Cabdisamad Maxamed Yuusuf Xasan, gudoomiyaha gobolka Bari, ayaa hoosta ka xariiqay in khasaaruhu ku kooban yahay guryo dumay iyo gaadiid.

Waxyeeladda ugu daran ayaa laga soo sheegayaa degmooyinka kala ah; Isku Shuban, Bali-dhidhin, Qandala iyo Boosaaso.

Gudoomiye Xasan ayaa shaaca ka qaadey in la joojiyey isticmaalka wadada laamiga ah ee gasha magaaladda Boosaaso maadaama roobabkii da'ayey ay burbur u geysteen.

"Dadka waxaan leenahay wadada lama mari karo illaa iyo dhowr kilomitir wada ma noola," ayuu yiri. "Meesha ugu daran waa Boosaaso illaa kala beyr".

Roobabkan ayaa ka dhashay duufaanta loogu magac daray Pawan oo maalmihii la soo dhaafay laga digayay saameynta ay ku yeelan karto dalalka bariga Africa.

Sida ay sheegeen khuburadda saadaasha hawada, duufaantan oo xawligeedii uu soo yaraaday ayaa roobab xooggan ku hoorisay xeebaha maamulka Puntland oo ay ka soo bilaabatay degaanka Eyl, Sabtida maanta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM