Nin Al-Shabaab ah oo horey xabsi uga sii daayey Gaas oo dil lagu xukumay

Image

BOOSAASO - Maxkamadda ciidamadda Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay rag ka tirsan Daacish iyo Al-Shabab, kuwaasoo eedo kala duwan loo haysto.

Xukunadda ay riday maxkamadda waxay isugu jiraan Xabsi daa’in iyo dil toogasho, sida uu ka dhawaaqay guddoomiyaha maxkamada Cawil Axmed Faarax, kaasoo fahfaahin dheeri ah ka bixiyay go'aanka.

Faarax ayaa daboolka ka qaaday in xubnaha la xukumay uu ku jiro Cabdirisaaq Xuseen Tahliil [Caloolgeel], kaasi oo lagu soo oogay nuu fududeeyay Qaraxyo ka dhacay Galkacayo 2016-kii.

Qaraxyadaasi waxaa ku dhintay in ka badan 30 ruux oo shacab ah, iyadoo tobanaan kale ay ku dhaawacmeeb.

Tahliil horey loogu xukumay dil toogasho balse waxaa laga sii daayey xabsiga kadib amar kasoo baxay Madaxwaynaha waqtigiisu dhamaaday ee Cabdiweli Gaas.

Sii dayntiisa ayaa la sheegay inay salka ku haysay xiriiro dhexdhexaadin ah ee u dhexeeyey Al Shabaab iyo Madaxweyne Gaas kuwasoo burburey kadib markii balanqaadyo lala galay kooxdaan sidii la rabey u fuli waayey.

Caloolgeel waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday duqayn ay ka fuliyeen diyaaradaha Mareykanka tuuladda Jeexdin oo ka tirsan gobolka Mudug sanadkii 2016, balse sirdoonka Puntland ayaa beeniyay.

Howlgal wadajir ah oo ay qaadeen ciidamadda difaaca Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Caloolgeel, taasi oo soo dedajisay in dib loogu xukumay isbuucaan magaalada Boosaaso.

“Muddo bil ah ayuu haystaan si uu racfaan uga qaato xukunka,” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda, kaasi oo carabka ku dhuftay in dhageysiga gal-dacwadeedka uu soo maray turxaan bixin gaar ah.

- Maxkamada oo marneed xiliga ay xukunka ridaysay -

Goobta ay ka dhacaysya maxkamaddeynta oo a xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ma jirin goobjoogayaal ama shacab xaadir ku ahaa, taasi oo uu xaqiijiyay Gudoomiye Faarax, oo u waramay VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.

"Mararka qaarkaood waa la sameyn karaa, waana marka laga cabsi qabo inay dhacdo rabashado," ayuu ku daray Faarax, kaasi oo ka gaabsaday inuu bidhaamiyo sababaha keenay talaabadda ay qaadeen.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Cabdiwali Gaas oo uu haatan muddo xileedku gabaabsi ka yahay amniga Puntland wuxuu galay khal-khal, waxaana ku xoogeystay kooxaha argagaxisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM