Nin Ganacsade ah oo lagu diley magaalada Boosaaso

Image

BOOSAASO - Magaalada Boosaaso waxa saaka lagu diley nin Ganacsade ah halka dhaawac soo gaarey Aabihiis oo markaas ay wada joogeen.

Ganacsade Cabdulqaadir Maxamad Saleebaan ayaa waxaa beegsadey dableey xilli uu goob aan ka fogeyn rugtiisa ganacsiga la fadhiyey Aabihii Maxamad Saleebaan.

Ganacsade Maxamad Saleebaan ayaa waxaa soo gaarey dhaawac isagoo loo qaadey Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Dilkaan ayaa sida wararka lagu helayo qofkii gaystey ka baxsadey goobta iyadoo halkaas ay soo gaareen ciidamada amniga.

Magaalada Boosaaso ayaa bilihii ugu dambeeyey waxaa la beegsanayey ganacsatada iyo dadka kale ee haldoorka ah kuwaas oo la sheegay in kooxaha argagixisada waydiisanayaan lacago Baad ah.

Ma jirto koox sheegatey dilkaan balse dilalkii ugu dambeeyey waxaa magaalda ka gaystey kooxda Daacish ee ku dhuumaleysta goobo kamid ah dhulka Barriga Fog ee Pubtland.

Kooxdaan ayaa lacago Baad ah ku soo rogtey ganacsatada ku sugan gobolka Barri kuwaas oo dilal la beegsada kuwa diida iney baxshaan lacagahaan.

Maamulka Puntland ayaan talaabo wax ku ool ah ka qaadin ka hortaga iyo la dagaalanka kooxahaan.

Madaxweynaha waqtigu ka sii dhamaanayo ayaa inta uu talada hayey Puntland waxaa la soo gudboonaadey xaalada amni ee adag kuwaas oo sababey in kooxaha argagixsada ah beegsadaan dad badan oo isugu jira saraakiil Dowladeed iyo shacab.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM