Nin horay u diley sarkaal ka tirsanaa booliska oo Bosaso lagu qisaasay

Image
Image
Image
Image

October 20, 2014 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa maanta lagu qisaasay nin horay u diley sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska ee gobolka Karkaar.

Ninka xukunka qisaasta ah lagu fuliyey oo 58jir ahaa laguna magacaabi jirey Maxamed Warsame Saxar wuxuu June 18, 2014 degmada Rako ku diley Dhamme Cabdulaahi Faarax Gaacshe oo ahaa taliyihii booliska ee degmadaas. 

August 27, 2014 ayaa eedeysane Maxamed Cabdulaahi Saxar la hor keenay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan, waxana qiraal uu sameeyey kadib lagu xukumay xukun dil ah.

Goobta qisaastu ka dhacday oo ahayd xabaalaha ku yaalla bariga magaalada Bosaso waxaa ku sugnaa ehelada dhibanaha iyo eedeysanaha labadaba; iyo mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen: Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari, taliye-ku-xigeenka qaybta booliska Bari,  iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada.

Eedaysane Saxar oo kahor intaan la toogan si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dembiga uu galay laga gudo, isagoo dhanka kale cafis weydiistey ehelada marxuumka uguna baaqay bulshada in dembiyada caynkan oo kale ah layska ilaaliyo.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada iyo Dembiyada Culus Cabdifataax Xaaji Aadan oo iyaguna si kooban u hadlay ayaa soo dhoweeyey xukunka iyagoo sheegay in aduun iyo aakhiraba maslaxad weyni ku jirto in qofkii qof dila isagana loo dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM