Nin Sixirka ku shaqaysanayay 25 sano oo Bosaso lagu qabtay

Image
Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada Booliiska gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay nin muddo Rubac Qarni ah ku shaqaysanayay sixirka oo ku sugnaa magaalada Bosaso.

Saldhigga Bosaso, ayaa lagusoo bandhigay ninka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cismaan Yuusuf iyo shakhsi kale oo kaaliye u ahaa.

Ninkan ayaa Bosaso yimid sannadkii 1992-gii, wuxuuna shaqadiisu ahayd inuu dadka sixro sida uu sheegay Taliyaha Saldhigga Bosaso G/sare Yusuf Axmed

‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota, waxa uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday,’’ Sidaas waxaa Wariyaasha u sheegay Taliyaha Saldhigga Bosaso Yusuf Axmed

Waraysi kooban uu ninkan lala yeeshay, wuxuu qirtay dambiga lagusoo eedeeyay, isagoo yiri, ‘’Muddo 25-sano ah ayaan joogay Bosaso oo aan garaacayay Mingiska iyo Rooxaanta, anniga oo jiifa oo Qaad cunaya ayaa la iso xiray, waxaa la igu soo qabtay Lafo iyo Caws. Lafaha Rooxaanta ayaan kuso dejinaa, waana sharaxnaa Lafaha ka dibna waxaan saarnaa cawska, dadka lacago ayaan ka qaadanaa, kuwo Konton Doolar ayaan ka qaadi jiray, halka kuwo kalena aan lacago kale ka qaadan jirnay”.

Laamaha ammaanka Booliiska ayaa wacad ku maray inay ninkan gayn doonaan Cadaaladda.

Taliye Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in dambiga lagu haysto ninkan uu cadyahay, isagoo xusay in loo yeeray shiikh kamid ah culimada Qur’aanka ku daweysa dadka, markii la horkeenaya ninkana, sidan ayaa wax u dhaceen,” Markii uu soo galay ayuu gariiray ninku, wuu u waramay, wuxuu Shiikha u balan qaaday inuusan u noqonayn hawshan, Sharciga ayaan horgeynaynaa ninkaan".

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli dad badan oo sixir ka cabanaya ay ku suganyihiin magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

GAROWEONLINE


Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM