​Nuur Shire oo looga adkaaday doorashada PUNSAA

Image

GAROWE, Puntland- Guddoomiyaha dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee ka jira deegaanada Puntland, ayaa loo doortay Faysal Axmed Warsame oo loo yaqaano Faysal Qaran, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday magaalada Garowe.

Saddex murashax ayaa booskaas u taagnaa, waxaana ku jiray Guddoomiyihii hore ee dalladda Nuur Shire Cusmaan.

Golaha Guud oo ka kooban 90 xubnood ayaa dooranayay Mas’uuliyiinta dallada, waxaana booskaas kusoo baxay Faysal Qaran oo helay codad gaaray 53.

Guddoomiye ku-xigeenka waxaa loo doortay Mustafe Cabdullaahi Cabdi oo helay 50 cod.

Faysal Qaran ayaa hadal kooban oo uu jeediyay doorashada kadib, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay xilkan loo igmaday islamarkaana wuxuu ballan qaaday inuu si wanaagsan uga soo bixi doonoo.

Nuur Shire Cusmaan ayaa isna aqbalay natiijada codaynta, wuxuuna sheegay inuu la shaqayn doono mas’uulka cusub.

Faysal Qaran ayaa 20 sano ee u dambeeyay, wuxuu kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee sida aadka ah looga yaqaano deegaanada Puntland, waxaana uu ka qayb qaatey arimaha samafalka halka uu xarumo caafimaad ka furey degaanada Puntland.

Doorashada Faysal ayaa waxaa soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Puntland kuwasoo u arkey in xilkaan loo doortey qof  horey uga soo qayb qaadan jirey arimaha bulshada  xilli dalku ku jirey burbur.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM