Odoyaal dhaqameed Puntland u yimi daminta colaadda

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Odoyaal dhaqameed ka socda maamulka Jubbaland ayaa soo garay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana hogaaminaya Suldaan Cabdullaahi Cali Sokor.

Ujeedka safarka Odoyaasha ayaa lagu sheegay inay tahay ka qayb qaadashada daminta colaadda ka socota qaybo ka mid ah Puntland gaar ahaan gobollada Sool iyo Nugaal.

Dirirta oo u dhaxaysa laba beelood oo wada deegaanada colaaddu ka dhacday ee Qorilay iyo Cagaarane ayaa ku dhinta ku dhawaad 20 ruux.

Madax dhaqameedyada Puntland ayaa dhawr jeer oo hore isku dayay inay gacan ka gaystaan xal laga gaaro daagaalka beelaha oo socotay in ka badan 10 sano, balse xukuumadda Puntland ayaa ka gaabisay kharashaadkii howshaasi loogu bixi lahaa.

Dhawaan degmada Burtinle, waxaa tagay ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland Cabdixakiim Candullaahi Xaaji Cumar Camey, waxaana uu shirar la qaaday qaybo ka mid ah dadka degmadaasi,mana jiro xal muuqda oo uu ka keenay Burtinle.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa isna u dhoofay magalada Nairbo xilli khilaafka labada beelood uu jiro, waxaana wax qabadka xukuumaddu ku soo ururay baaqyo ku aaddan in dagaalka la joojiyo.

Maamulka Jubbaland ayaa haatan u muuqda inuu arrinkaasi isu xilsaaray, waxaana Odoyaal dhaqaameedka yimi Galkacyo ayaa la filayaa inay dhex galaan khilaafka beelaha.

Horey maamulka Jubbaland ayaa ka qayb qaatay dhammaynta khilaaf u dhaxeeyay madaxweyne Gaas iyo Saraakiil ciidan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM