Odoyaal dhaqameed Puntland u yimi daminta colaadda

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Odoyaal dhaqameed ka socda maamulka Jubbaland ayaa soo garay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana hogaaminaya Suldaan Cabdullaahi Cali Sokor.

Ujeedka safarka Odoyaasha ayaa lagu sheegay inay tahay ka qayb qaadashada daminta colaadda ka socota qaybo ka mid ah Puntland gaar ahaan gobollada Sool iyo Nugaal.

Dirirta oo u dhaxaysa laba beelood oo wada deegaanada colaaddu ka dhacday ee Qorilay iyo Cagaarane ayaa ku dhinta ku dhawaad 20 ruux.

Madax dhaqameedyada Puntland ayaa dhawr jeer oo hore isku dayay inay gacan ka gaystaan xal laga gaaro daagaalka beelaha oo socotay in ka badan 10 sano, balse xukuumadda Puntland ayaa ka gaabisay kharashaadkii howshaasi loogu bixi lahaa.

Dhawaan degmada Burtinle, waxaa tagay ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland Cabdixakiim Candullaahi Xaaji Cumar Camey, waxaana uu shirar la qaaday qaybo ka mid ah dadka degmadaasi,mana jiro xal muuqda oo uu ka keenay Burtinle.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa isna u dhoofay magalada Nairbo xilli khilaafka labada beelood uu jiro, waxaana wax qabadka xukuumaddu ku soo ururay baaqyo ku aaddan in dagaalka la joojiyo.

Maamulka Jubbaland ayaa haatan u muuqda inuu arrinkaasi isu xilsaaray, waxaana Odoyaal dhaqaameedka yimi Galkacyo ayaa la filayaa inay dhex galaan khilaafka beelaha.

Horey maamulka Jubbaland ayaa ka qayb qaatay dhammaynta khilaaf u dhaxeeyay madaxweyne Gaas iyo Saraakiil ciidan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM