Ololaha Doorashada Puntland oo bilawday

Image

GAROWE, Soomaaliya - Magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland ayaa waxaa si dar-dar leh uga bilawday Ololaha Murashaxnimada xilka madaxweynaha Puntland ee January 2024.

Murashax, Guuleed Saalaax Barre ayaa maanta Garowe lagu soo dhaweeyay iyada oo uu sheegay in hogaanka haatan talada haya aysan wakhti lumin isla markaana inta taladu gacantooda ku jirto ay Doorashada mudeeyaan.

Madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka ka hareen ee Puntland, Siciid Deni ayaa isagu bulshada Puntland iyo warbaahinta ka dhuuntay isaga oo aan la ogayn shaqada uu ku maqan yahay.

Deni oo lagu eedeeyay in dhamaan xafiisyadi uu soo maamulo aanu midkoodna xilkiisa wareejin waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu u xusul duubayo muddo kororsi.

Shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa waajahaya mushahaar la'aan baahsan iyada oo ciidamaduna aanay wax mushahaar ah qaadan ku dhawaad sanad.

Qoyska madaxweynaha ayaa ku lug leh Ganacsiyada Daroogada Qaadka iyada oo uu dhawr dollar u saaran yahay kiilo kasta oo Puntland timaada kaasi oo intiisa badan loo xiray qaraabada Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM