Puntland: Olole doorasho oo bilowdey; khilaaf u dhexeeya Mideeye

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa ka bilowdey degaanada Puntland gaar ahaan degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl diwaangalinta codbixiye-yaasha doorashada hordhaca ah ee la filayo iney ka dhacdo Sadexdaas degmo.

Guddiga doorashada KMG ah ee Puntland ayaa daahfurka diwaangalinta ka bilaabatey magaalada Qardho halkaas oo munaasabadii furitaanka uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmad karaash .

Bilowgii diwaangalinta codbixiye-yaasha waxaa durba bilowdey ololaha ururada siyaasada iyadoo la arkayey Afar iyo Labaatankii saac ee ugu dambeeyey safarada madaxda urururada Kaah, Horseed iyo Mideeye.

Ururka Kaah oo xubno dowlada ka tirsan horkacayaan ayaa booqashooyin ku tagey degmada Qardho iyo Eyl halka Mideeye oo ay horkacayaan saraakiil sare gaareen degmada Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

Ururka Horseed ayaa Guddoomiyihiisa isla Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Cabbdiraxman Farole waxaa isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo si diiran loogu soo dhoweeyey degaanka Qarxis iyo degmada Eyl.

Magaalada Eyl ayaa waxaa maanta laga daahfurayaa diwaan galinta codbixiye-yaasha iyadoo kulmisay madaxda ururada siyaasada qaar ka tirsan, Guddiga doorashada iyo dhamaan saraakiil ka tirsan ha'daha ku howlan barnaamijka dimuquraadiyada Puntland.

Khilaafka Mideeye

Warar warsidaha Garowe Online ka heley xubno ka tirsan golaha dhexe ee urur siyaasadeedka Mideeye ayaa sheegaya in khilaaf ka dhex-taagan yahay aasaasayaasha ururka.

Xubno ka tirsan aasaaya-yaasha oo gaaraya 24 xubnnood islamarkaana kamid ah golaha dhexe ee ururka ayaa dacwad u gudbiyey gudiga KMG ee doorashada Puntland "TPEC".

"Khilaafka ayaa saldhiggiisu waxaa uu yahay mabaa'diida aasaasiga ah ee ururka taas oo saameyn ku yeelatey arimaha masiiriga ah kuwaas  oo khatar galin karey  jiritaanka Puntland." Sida Garowe Online u sheegey xogogaal la socda arimahaan.

Khilaafka u dhexeeya xubnaha ugu tunka weyn Mideeye ayaa soo bilowdey August, 2020 kadib markii garab ka tirsan ururkaan waraaq ay ku taageerayaan kulankii Dhuusamareeb 3 kaas oo ganafka ku dhufteen maamulada Puntland iyo Jubaland.

"Kadib markii waraaqdaan soo baxdey waxaa kulan degdeg ah isugu yimid aasaasayaasha ururka waxaana su'aalo la iska waydiiyey sida arintaan ku dhacdey, balse garab kamid ah ay hurmuud u yihiin xubnaha Loo doortey golaha fulinta ayaa diidey in laga noqdo." Sidaas waxaa Garowe Online u sheegey xogogaal ka gaabsadey in aan magaciisa xusno.

Garabka ka tirsan aasaasayaasha ururka ayaa dacwadaan dar-dar galiyey iyadoo lagu jiro howlihii diwaan galinta codbixiyaasha. Puntland ayaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ka dhici doonto taas keeneysa in dadweynaha ay toos u soo doortaan hogaankooda siyaasadeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM