Ololaha doorashada ururada Puntland oo dardar ku bilowday

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Deni ayaa ka qeybgalay isu-soo-bixii koowaad ee urur siyaasadeedka KAAH.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku yimid Qardho ayaa maanta taageerayaasha Ururka kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda.

Deni ayaa markii uu qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021.

Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u muujiyeen iyo in ay door muhim ah ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo ah marxalad cusub oo Puntland gashay.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay bulshada isu soo baxday, in Golaha deegaanka ee ay si Qof iyo Cod ah ku doortaan uu noqon doono mid wax badan ka bedelan kuwii hore oo hurmar u horseedi doona,

Sidoo kale, wuxuu xusay in KAAH ay fursad siisay dadka barakacayaasha ahaa oo hada Ururku usoo sharaxay ka mid noqoshada  golaha deegaan degmada Qardho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay, Golaha fulinta, xubnaha golaha dhexe ee Ururka KAAH iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho, Iyadoo sidoo kale isu baxyo kan la mid ah uu Ururku maanta ka sameeyay magaalooyinka Eyl iyo Ufeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM