Olole nadaafadeed oo Garowe ka bilowday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

22 Octobar, 2015(GO)-Olole nadaafadeed ayaa laga wada dhammaan xaafadaha Garowe, waxaana qashinka lagu gurayaa dhammaan xaafadaha magalada.

Barnaamijkan oo ah iskaa wax u qabso ayaa waxaa hogaaminaysa dowladda hoose ee degmada Garowe, waxaana saaka waabarigii la bilaabay howshan oo socon doonta shan bari.

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo ka hadlay hawshaasi ayaa tilmaamay in degmadu ku bixin doono abaal marin dhaqaale iyo mid qalab xaafaddii muujisa fir-fircooni dheeriya.

"Nadaafadu sidii hore inay ahaato ma rabno, waaxaan doonaynaa in magaladu nadiif ahaato, waxaana maamul ahaan naga go'an inaan magalada ka shaqayno bilicdeeda, ciddi lagu arka iyadoo meel xun qashin dhigaysa tallaabo sharci ah ayaan ka qaadaynaa"Ayuu yir Goodir.

Qashinka ayaa la gaynayaa meelo ka baxsan magalada, waxaana dowladda hoose ee Garowe ka digtay inaan laga digtoonaado nadaafadda darada iyo waxyaabaha caasumadda u keenaya bilic xumada.

Maamulka ayaa Ololaha ka hor sameeayay wacyi galin iyo shirar ay la galeen Gudoomiyasha xaafadaha Garowe.

Arrintan ayaa la filayaa inay wax ka badasho bilicda caasumadda Garowe xilli lagu guda  jiraa waqti Roobaadka dayrta, inkastoo caasumadda Puntland weli Roobsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM