PL oo mar kale Somaliland ku eedeysey inay taageerto Al-shabab

Image

February 8, 2015 (GO)- Dowlada Puntland ayaa mar kale ku eedeysey maamulka Somaliland in uu taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiyo kooxaha Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

Saraakiisha ugu sarreysa booliska Puntland oo maanta si wadajir ah shir-jaraa'id magaalada Bosaso ugu qabtey ayaa sheegay in lacagta shilinka Somaliland laga helay jeebabka xubno ka tirsan Al-shabaab oo xalay lagu soo qabtay hawgal boolisku sameeyeen kadib markii ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisin ciidan.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen inaysan ahayn markii ugu horeysey ee ciidamada Puntland gacanta ku dhigaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo sita lacagta laga isticmaalo Somaliland.

Puntland ayaa dhowr mar oo hore ku eedeysey Somaliland inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiso kooxaha Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraha Golis. Somaliland ayaa ka jawaabtey eedeymaha uga imaanaya dhanka Puntland waxay ku tilmaantey kuwa aanay waxba ka jirin oo lagu marin habaabinayo indhaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM