PL oo wafdi u dirtay caleema saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Image

December 2, 2014 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka dhoofay wafdigii Puntland uga qayb geli lahaa caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shiriif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada waxaa hogaaminayey Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Diinta Ismaaciil Maxamed Warsame.

Xubnaha kale ee wafdiga waxaa kamid ahaa: Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indho Guran; Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka Sahro Siciid Nuur iyo Wasiirka Deegaanka iyo Duurjoogta Guuleed Saalax Barre.

Wufuud kale oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka, Jubaland, IGAD, Qaramada Midoobay iyo dalalka deriska ayaa la filayaa inay iyaguna munaasabadda caleema saarka kasoo qayb galaan.

Shiriif Xasan Sheekh Aadan oo horay u ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka waxaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed 17-ka bishii hore ee November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM