PLTV oo markii labaad lacag la'aan hawada looga saaray

Image

June 15, 2015 (GO)- Telefishinka Puntland (PLTV) ayaa sanad gudihiis markii labaad hawada ka baxay, kaddib markii dowladdu bixin weydey kirada Satellite-ka baahiya telefishinka.

Abbaare 4:10 galabnimo ee waqtiga Geeska Afrika ayaa TV-ga hawada laga saaray. Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in muddo labo bilood ah la bixin kiradii sattelite-ka.

Wararka GO heleyso ayaa intaas ku daraya in todobaadkii hore Agaasimaha PLTV, Cabdifataax Ashkir kasoo qaaday Wasaaradda Maaliyadda, lacag dhan $10, 000 (toban kun oo doolar), taasoo la sheegay inay ahayd kiradii bishan socota ee June.

Lacagtaas $8,000 (siddeed kun) oo kamid ah wuxuu Agaasimuhu ku wareejiyey xisaabiyaha telefishinka, isagoo ku wargeliyey inuu u qaybiyo shaqaalaha istuudiyaha koowaad ee telefishinka oo muddo saddex bilood ah aan qaadan mushaharaadkii iyo gunnooyinkii ay xaqa u lahaayeen.

Qaar kamid ah hawl-wadeenada TV-ga oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in ay marar badan cabasho u gudbiyeen maamulka telefishinka iyo Wasaaradda Warfaafinta kana dalbadeen in la siiyo xuquuqdooda, balse ilaa iyo hadda aysan jirin cid  ilaa iyo hadda wax ka qabatey cabashadooda.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale ku eedeeyey Agaasime Cabdifataax Ashkir wax qabad la'aan iyo in had iyo goor uu ka war wareego in uu shaqaalaha kala hadlo xuquuqda ka maqan ee ay dalbanayaan.

Lacag la'aanta heshay TV ayaa imaaneysa kadib markii madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas maanta 15 June,2015 khudbo dheer uu kaga hadlayo hurumarka xukumadiisa ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka, amaanka, xiriirka caalamiga iyo arrimo kale ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 35aad Barlamanka Puntland. HALKAAN KA DHAGEYSO 

Sep 4, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Telefishinku hawada ka baxay kadib markii muddo afar bilood ah la bixin wayey kirada sattelite-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM