PUNSAA oo ka digtey magacaabista guddiga khilaafaadka Puntland

Image

GAROWE - Dallada daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland(PUNSAA)waxaa ay ugu baaqaysa Madaxwaynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

1 in Gudiga xaslinta khilaafaadka iyo kala saarista xildhibaanada in uu noqdo mid si dhexdhexaad ah su cadaalad ahna u dhamayn khilafaadka soo wajihi kara lehna Amaano

2 xubnaha gudiga waa in aan lagu darin siyaasiyiin xil ka haya ama ka soo qabtay dowladihii hore ee waa in laga soo xulaa bulshada qaybaheeda kala duwan waana in ay ahaadaan dad sharaf iyo karaamo ku leh bulshada reer Puntland .

3 xubnaha gudigu waa in uu noqdaa mid loo dhanyabay oo qoondo laga siiyo haweenka si ay u hubiyaan matalaad haweenka ee golaha wakiilada la soo xulayo .

PUNSAA waxaa ay sidoo kale ugu baaqaysa dhamaan ugu baaqaysaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka in ay ka taxadaraan isticmalaan hadalo xanafleh oo wax u dhimi kara Amniga iyo wadajir shacabka Puntland.

PUNSAA Waxay Ku baaqaysa in dhamaan musharaxiintu ay ka qayb qaataan sugiea Amniga ayna xadidaan ilaaladooda.

Dhamaad.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM