​Puntland "1 Malyan iyo Bar qof ayaa abaartu saamaysay"

Image

GAROWE, Puntland- Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada Puntland oo maanta shir guddoominayay Madaxweyne Cabdiwali Gaas, ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha ee ka jira gobollada iyo saamaynta ay gasteen.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in dowladdu u diyaar garowday sidii loo caawin lahaa in kabadan 200,000 qoys, kuwaasoo ku sugan sagaalka gobol ee Puntland.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in abaarta jirta saamaysay dad lagu qiyaasay Hal Malyan iyo Bar qof oo ku sugan sagaalka gobol ee Puntland.

Dhanka amniga ayaa sidoo kale kulankaas looga hadlay, waxaana la sheegay in xaaladda nabadgalyo ee Puntland ay tahay mid wanaagsan islamarkaana ciidamada difaaca loo diyaariyay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka dadka abaartu saamaysay.

land

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM