Afhayeenka baarlamaanka oo muddo u qabtey mudane

Image

GAROWE, Puntland - Afhayeenka golaha wakiiladda Puntland ayaa wuxuu sheegey in goluhu go'aan ka gaari doono mudane ka tirsan Barlamanka kaasoo ka hor-yimid xeerka wax ka bedelka loogu sameeyay xeer-hoosaadka aqalka wakiilada.

Xildhibaan Axmed Kuluc ayaa sharci darro iyo mid baalmarsan dastuurka ku sifeeyay xeerkaas oo awooda u kordhiyey guddoonka golaha gaarsiiyeyna in xilka looga xayuubin karo kaliya 44-cod Xildhibaan.

Hase ahaatee, guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka falceliyey mowqifka sharci-dejiyaha ayaa si toos ah wuxuu u caddeeyay in golaha uu laba maalmood fasaxa kadib uu talaabo ka qaadi doono.

"Aan isu soo ciidno. Arrintaas xal golaha wada anfaco walaalkeena uu uga soo noqdo wixii uu ku kacay ayaan ka gaari doonaa," ayuu ka sheegay fadhi uu goluhu maanta ku yeeshay magaalada Garowe.

Isla fadhigii maanta oo kii 15-aad  ee Kalfadhiga 48-aad ayna soo xaadiray 40 mudane waxaa warbixin la xiriirta hindise xeereedka Dhowrista Goobaha Taariikhiga ah ka hor jeediyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo gacan ku hayey Hindise xeereedkan, iyagoo kulamo wada tashi ah kala yeeshay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Dawladda Puntland, waxayna Golaha u soo jeediyeen in dib loo celiyo Hindise xeereedkan maadaama uu ka hor imanayo Xeer Lr.3  ee ku saabsan Akademiyada Puntland ee Hiddaha iyo Dhaqanka, soona baxay 15/01/2007.

"Ugu dambeyntii, Golaha Wakiillada ayaa ka cod aqlabiyad ah ku taageeray soo jeedinta Guddiga," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay golaha wakiiladda laguna faafiyey ciwaanka uu ku leeyahay Facebook.

Sikastaba, golaha fulinta Maamulka Puntland ayaan Weli ka hadlin talaabada isbadalka loogu sameyeey xeer-hoosaadka aqalka wakiilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM