​Puntland: Afhayeenka Barlamanka oo xubno magacaabay

Image
Image

GAROWE- Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta ku dhaawaqaay xubnaha ka dhimaanay guddiga doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo shan kamid ah madaxweyne Gaas shalay ku dhawaaqay. 

Xaashi, ayaa magacaabay afarta xubnood ee laga sugayay, wuxuuna isagoo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay Garowe, sheegay inay yihiin xubnihii ka imaanayay dhanka Barlamanka. 

Magacyada Afarta xubin ee Barlamanka ka yimi;

1. Dr. Siciid Maxamud Xirsi (Diraac)

2. Eng. Maxamed Axmed Siciid (Jacfar)

3. Axmed Xassan Bile

4. Cabdirasaaq Xuseen Gacayte.

Guddigan oo dhan 9 xubnood ayaa iska dhex dooran doona gudoomiye, waxayna kusoo beegmeen xilli aad bulshadu isu weydiinaysay xilliga la dhisi doono guddiga doorashooyinka oo ka mid ahaa Ballanqaadkii Madaxweyne Gaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM