Puntland: Agaasime waaxeedyo cusub oo la magacaabay

Image
Puntland: Agaasime waaxeedyo cusub oo la magacaabay

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 24 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo.

Sida laga soo xigtay digreetada, mas'uuliyiintan ayaa lagu xushay Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Mas'uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah;

1. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

1.1. Waxaa Faysal Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.2. Waxaa Cabdulqaadir Cali Suleymaan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.3. Waxaa Cabdixakiin Cabdile Guuleed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.4. Waxaa Jaamac Maxamed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda DDR-ta ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland

1.5. Waxaa Maxamed Muuse Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Miinada ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland

2. Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.1. Waxaa Cabdullaahi Ciise Cumar (Rabiile) loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.2. Waxaa Sharmaarke Cabdullaahi Ducaale loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.3. Waxaa Aadan Caabi Samatar loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.4. Waxaa Saadiq Cabdullaahi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Fidinta Adeegyada Caafimaadk Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.5. Waxaa Maxamed Fu’aad Warsame loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.6. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Wax soo saarka Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

3. Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo GuriyayntaDowladda Puntland.

3.1. Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Dowladda Puntland.

4. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha

4.1. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.

"Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD," ayaa lagu soo gabagabeeyay wareegtadan uu arkay warsidaha Garowe Online laguna daabacay barta Facebook ee Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM