Puntland: Agaasime waaxeedyo cusub oo la magacaabay

Image
Puntland: Agaasime waaxeedyo cusub oo la magacaabay

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 24 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo.

Sida laga soo xigtay digreetada, mas'uuliyiintan ayaa lagu xushay Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Mas'uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah;

1. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

1.1. Waxaa Faysal Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.2. Waxaa Cabdulqaadir Cali Suleymaan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.3. Waxaa Cabdixakiin Cabdile Guuleed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland.

1.4. Waxaa Jaamac Maxamed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda DDR-ta ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland

1.5. Waxaa Maxamed Muuse Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Miinada ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland

2. Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.1. Waxaa Cabdullaahi Ciise Cumar (Rabiile) loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.2. Waxaa Sharmaarke Cabdullaahi Ducaale loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.3. Waxaa Aadan Caabi Samatar loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.4. Waxaa Saadiq Cabdullaahi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Fidinta Adeegyada Caafimaadk Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.5. Waxaa Maxamed Fu’aad Warsame loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.6. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Wax soo saarka Xoolaha ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

3. Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo GuriyayntaDowladda Puntland.

3.1. Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta Dowladda Puntland.

4. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha

4.1. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.

"Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD," ayaa lagu soo gabagabeeyay wareegtadan uu arkay warsidaha Garowe Online laguna daabacay barta Facebook ee Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM